
Xiddigaha waaweyn ee Chelsea ayaa doonaya in kooxdu ay xaqiijiso saxiixa weeraryahanka Everton Richarlison.
Kooxda ayaa isha ku haysa dib u habeyn yar oo dhanka daafaca iyo weerarka ah xagaagan.
Blues ayaa Romelu Lukaku ka iibinaysa Inter Milan , halka Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic ay sidoo kale ka tagi karaan xagaagan.
Sida laga soo xigtay The Sun , Blues ayaa soo galaysa tartanka si ay u sugaan Richarlison.
Kooxaha sida Tottenham iyo Arsenal ayaa sidoo kale aad u xiiseynaya weeraryahanka, kaasoo ka ciyaari kara dhanka weerarka.
Everton ayaa xiddigan dul dhigtay qiimo dhan 50 milyan ginni, maadaama ay ka warqabaan inuu yahay weeraryahankooda ugu wax soo saarka badan.
Be the first to comment