Ciyaaryahan Chelsea ah oo wajahaya ganaax kaddib baaritaanka daroogada oo la sheegay inuu ku dhacay.
Mykhailo Mudryk ayaa ku guuldareystay baaritaanka daroogada, sida ay Tribuna.com si gaar ah u shaacisay.
Walax mamnuuc ah ayaa laga helay ‘A’ muunaddiisa. Muunadda daroogada ee natiijadeedu noqotay mid togan ayaa la qaaday dhammaadkii bisha Oktoobar. Waxaa sidoo kale la filayaa in dhowaan la furo muunadda ‘B’.
Tribuna.com waxay codsatay faallo ka timid Mykhailo laftiisa iyo maamulihiisa. Jawaabta dhinaca ciyaaryahanka ayaa la daabici doonaa marka la helo.
Ciyaaryahanka 23-jirka ah ee u dhashay dalka Ukraine ayaa laga yaabaa in muddo cayiman laga mamnuuco kubadda cagta.
Arrintan waxey saameyn ba’an goor sii horreysay ku yeelatay mustaqbalka Paul Pogba.