Ciyaaryahan muhim ah oo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Chelsea

Manchester United iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez xagaaga soo aadan.

23 jirkaan ayaa si aad ah loola xiriirinayay Barcelona xagaaygii hore, si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Catalan ayaan wax heshiis ah la gaarin kooxda ka dhisan Serie A ee Inter Milan oo ku aadan lacagta lagu kala iibsan karo.

Dhanka kale, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in Blues ay isku dayday inay la soo wareegto xiddiga reer Argentina suuqii dhawaa, laakiin ciyaaryahanka ayaa diiday inuu ku biiro.

Martinez ayaa qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa soo qaatay xilli ciyaareedkii hore ilaa xilli ciyaareedkan 2020-21, isagoo durbaba ku guuleystay inuu seddex gool dhaliyo afar kulan oo uu saftay Serie A.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, Red Devils ayaa ka fiirsaneysa inay ku biirto tartanka loogu jiro weeraryahanka ka soo jeeda Koofurta America, iyadoo dalab weyn laga yaabo inuu la yimaado inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo aadan suuqa kala iibsiga.

Man Utd ayaa xaqiijisay adeega Edinson Cavani maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Uruguay ayaan aheyn xulasho muddo dheer ah , halka Chelsea ay la soo saxiixatay Timo Werner kaasoo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Premier League isbuucyadii hore.

Martinez, oo heshiis kula jira San Siro ilaa Juun 2023, ayaa ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto 33 jeer 88 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa haatan tan iyo markii uu ka yimid Racing Club bishii July 2018.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*