Ciyaaryahanka Garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Hakim Ziyech oo wadahadalo la furay kooxda AC Milan

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Hakim Ziyech ayaa wadahadalo kula jira kooxda AC Milan xagaagan , sida lagu sheegay warbixin.

29-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu si joogta ah uga mid noqdo safka hore ee Thomas Tuchel iyadoo ay ku tartamayaan Kai Havertz , Romelu Lukaku , Mason Mount , Timo Werner iyo Christian Pulisic .

Ziyech waxa u suurtagashay in uu sideed jeer shabaqa soo taabto 44 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore, sidoo kale waxa uu caawiyey lix gool, laakiin waxa uu kaliya ku soo bilowday 14 kulan oo Premier League ah, waxaana uu ahaa bedel aan la isticmaalin 13 kale.

Natiijo ahaan, Ziyech ayaa loo saadaalinayaa inuu mustaqbalkiisa ku hormariyo meel kale xilli ciyaareedka 2022-23, laakiin wuxuu ku sii jiraa qandaraas uu ku joogo Stamford Bridge ilaa xagaaga 2025.

Warbixin bishii hore soo baxday ayaa lagu sheegay in Chelsea ay diyaar u tahay inay dalab macquul ah ka gudbiso Ziyech, xiddigii hore ee Morocco ayaana haatan u socda Serie A.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*