Home Suuqa Kala iibsiga Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga Calafiori oo ku biiraaya Arsenal isbuucan...

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga Calafiori oo ku biiraaya Arsenal isbuucan kadib….

0

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga Calafiori ayaa la filayaa inuu ku biiro Arsenal isbuucan ka dib markii uu tijaabada caafimaadka u maray Gunners.

Bologna ayaa ka saartay daafaca reer Talyaani qeybtii labaad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub,

iyagoo bixiyay tilmaam ah in Arsenal ay ku dhow yihiin saxiixiisa.

Tababare Vincenzo Italiano ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Val Pusteria, Calafiori ayaan ka mid ahayn kooxda.

Arsenal iyo Bologna ayaa ku heshiiyey qiimo dhan €40 milyan iyo lacago kale oo lagu daray.

Calafiori ayaa heshiis shan sano ah la gaaray Arsenal, Kaliya waxaa la sugaya wadahadalada kooxaha Bologna iyo Basel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here