Shirka Jaraa’id ee Tuchel ka hor kulanka Manchester United, N’Golo Kante iyo Xidigaha kale ee ka maqan kulankan

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in N’Golo Kante ay u badan tahay inuu seego kulanka Axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester United .

Laacibka reer France ayaa u baahday in laga saaro qeybtii hore ee kulankii Champions League ee Juventus bartamihii Isbuuca, isagoo isla markiiba shaki galiyay ka qeyb galkiisa isbuucaan.

Inkastoo Tuchel uu ka hadlay fursadaha uu Kante ku soo laaban karo horraanta bisha soo aaddan, Macalinka wuxuu dareemayaa in dhaawac yar oo jilibka ah uu garoomada ka maqnaan doono usbuucan.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta, Tuchel wuxuu yiri: “N’Golo xoogaa ayuu jilibka dhaawac ka dareemayaa, laakiin waxay u muuqataa inuu maqnaan doono maalmo.

“Waa arrin hal usbuuc ah, laga yaabee, weli waxaan haysanaa rajo yar,

Isla shirkiisa jaraa’id, Tuchel wuxuu qiray in Ben Chilwell uu soo gaaray jeex qayb ACL ah isla ciyaartaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*