Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leeds United Kalvin Phillips oo Qarka u saaran inuu ku biirayo Manchester City

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leeds United Kalvin Phillips ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu dhameystiro heshiiska uu ugu biirayo Manchester City dhamaadka isbuucaan.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa la fahamsan yahay inay ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso xiddiga heerka caalami ee dalka England aduun dhan 42 milyan ginni, kaasoo kor ugu kici kara 45 milyan ginni oo lagu daray wax qabad la xiriira.

Talaabadan noocan oo kale ah ayaa soo afjari doonta 12-kii sano ee uu Phillips ku sugnaa Elland Road, xiligaasi oo uu door muhiim ah ka qaatay in cadaanka uu ku soo laabto Premier League.

26-sano jirkaan ayaa noqday udub dhexaadka u ah qaab ciyaareedka England tan iyo markii uu ku guuleystay Premier League, laakiin waxaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Jesse Marsch ka dib markii Whites ay xaqiijiyeen badbaadadooda heerka sare ah maalintii ugu dambeysay.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Phillips ayaa diyaar u ah inuu dhammaystiro tijaabada caafimaadka Man City Jimcaha, tallaabadaas oo dib u dhac ku yimid xilli ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku riyaaqay fasaxiisa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*