Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Leighton Clarkson ayaa heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiray kooxda Aberdeen ee ka ciyaarta horyaalka Scotland
20-sano jirkaan ayaa ka soo kacay darajooyinkii dhalinyarada isagoo seddex kulan u saftay Liverpool tartamada oo dhan intii uu hogaaminayay Jurgen Klopp , laakiin waxaa lagu xaddiday inuu ka soo baxo 23 jirada qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore.
Clarkson wuxuu ku qaatay qeybtii hore ee ololaha 2021-22 Blackburn Rovers wuxuuna ciyaaray todobo kulan oo Championship ka hor inta uusan ku laaban Merseyside, halkaas oo uu ka qeyb qaatay labo gool iyo seddex caawin 12 Premier League 2 kulan.
Liverpool ayaa horeba ganacsi ula samaysay Aberdeen xagaagan si ay Calvin Ramsay kooxda u keento, Clarkson ayaana haatan dhawr bilood oo soo socda amaah ku joogi doona Pittodrie.
Clarkson waxa uu 90-kii u ciyaaray Liverpool kulan ay barbaro 1-1 ah la galeen kooxda Midtjylland bishii December 2020-kii heerka group-yada Champions League, waxaana uu laba kulan oo kale u saftay FA Cup iyo EFL Cup.