
Weeraryahanka Manchester City Phil Foden ayaa loo magacaabay da’yarka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedka 2021-22.
21-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee abaal-marin shaqsi ah hela xilli ciyaareedyo xiriir ah kaddib olole kale oo cajiib ah oo uu u qaaday Citizens.
Foden ayaa dhaliyay sagaal gool, waxaana loo diwangeliyay shan caawin 27 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, isagoo barbareeyay goolashiisa xilli ciyaareedkii hore isagoo hal kulan ka harsan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa fure u ah mashiinka Pep Guardiola xilli ciyaareedkan, isagoo ka soo shaqeeyay boosas badan oo khadka dhexe ah iyo weerarka, kaliya Kevin De Bruyne, Bernardo Silva iyo Rodri ayaa ciyaaray daqiiqado ka badan Premier League ololahan.
Foden oo u waramayay mancity.com markii uu gudoomay abaal marinta ayaa yidhi: “Aad ayaan ugu hanweynahay in aan ku guulaystay abaal marintan xiliciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah. inuu mar kale ku guuleysto
Be the first to comment