Home Warar Ciyaaraha Maanta Cody Gakpo Oo Sheegay Booska Uu Doonayo In Uu Uga Ciyaaro Liverpool.

Cody Gakpo Oo Sheegay Booska Uu Doonayo In Uu Uga Ciyaaro Liverpool.

0

Cody Gakpo ayaa dib ugu soo laabtay Liverpool ka dib Euro, markaas oo uu dhaliyay seddex gool, islamarkaana uu ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay,” ayuu yiri Gakpo kadib markii uu ku soo laabtay Liverpool.

“Waxay ii ahayd Euro wanaagsan aniga [laakin] nasiib daro waxaan guuldaro kala kulanay England, waxay noo ahayd mid noo fiican wadan ahaan sidoo kale”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo laabto, kalsooni buuxda, waxaanan u baahanahay inaan sidoo kale ku sii wado qaab ciyaareedkaan oo kale halkan.”

Gakpo wuxuu ka hoos shaqeyn doonaa tababare Reer Netherlands ah Arne Slot waxana uu sheegay in ay ka wada hadleen booskiisa ugu fiican, isagoo ka soo muuqday khadka dhexe iyo weerarka beenta ah intii uu Jurgen Klopp hogaaminayay xilli ciyaareedkii hore.

Cody ayaa intaa ku daray: “Haa, waan la hadlay isaga, waxaana iska cad inuu ii arko garab bidix, sidaas ayaan u malaynayaa inuu i arko”.

“Waxa aan xiddigo badan ku haysanaa weerarka waanad ogtahay in xilli ciyaareedku dheeryahay waxana laga yaabaa in ay jiraan dhaawacyo boos kasta.

waxa uu igu yidhi “Waxaad ka ciyaareysaa halkaas, laakiin waxaa laga yaabaa inaan boos kale kuugu baahdo, waad ciyaari kartaa. halkaa sidoo kale diyaar u ahaada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here