Xidigga kooxda Chelsea Cole Palmer ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican England ee 2023-24, isagoo ku garaacay abaal-marinta qaaliga Harry Kane iyo Jude Bellingham.
22-sano jirkaan ayaa kaliya saftay kulankiisii ugu horeysay seddexda libaax bishii November, waxaana uu kaliya saftay sagaal kulan, lakiin waxa uu horey u heystay taageerada taageerayaasha isagoo ku guuleystay abaalmarinta codbixinta ee dadweynaha.
Palmer ayaa abaalmarinta ku garaacay Bellingham iyo Bukayo Saka, kuwaasoo ku kala dhameystay kaalinta labaad iyo seddexaad, ka dib markii garabka Arsenal uu ku guuleystay abaalmarinta labadii sano ee la soo dhaafay.
Palmer ayaa laba kulan oo kaliya ku soo bilowday xulkiisa laakiin shan kulan oo uu badal ku soo galay Euro 2024 ayuu sameeyay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu gool dhaliyay Final-kii euro 2024.
Palmer waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Chelsea ah ee helay abaalmarinta tan ilaa Ashley Cole oo hadda ah macalinka England, 2010. Frank Lampard ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta 2003 iyo 2004, abaalmarinta ayaa la sameeyay 2003dii iyadoo David Beckham uu markii ugu horeysay qaatay abaalmarinta.