Coman oo ku dhow inuu heshiis cusub la galo Bayern Munich

Kingsley Coman ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo Bayern Munich .

Laacibka reer France ayaa wadahadalo daba dheeraaday kula jiray kooxda Jarmalka, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2023.

Si kastaba ha ahaatee, Goal ayaa sheegeysa in heshiisku uu dhow yahay iyadoo faahfaahinta ugu dambeysa la dhawaaqayo.

Coman, oo lala xiriirinayo Manchester United iyo Chelsea , ayaa heli doona 17 milyan oo Yuuro sanadkii, waxaana uu ku xirnaan doonaa Bayern ilaa 2027.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*