Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronald ayaa magacaabay difaacii ugu adkaa ee abid uu ka hor tegay intii uu ku jiray kubadda cagta, waxaana uu garab maray difaacyahanno waaweyn oo ay kusoo xafiiltameen kubadda cagta.
38 jirkan oo ka mid ah ciyaartoyda ugu guulaha badan kubadda cagta, waqtiganna u ciyaara kooxda reer Sucuudi Carabia ee Al Nassr ayaa waxa ka hor tegay difaacayahanno adag oo aanay dood badan ka taagnayn in ay yihiin kuwii ugu tayada badnaa qarnigan sida Paulo Maldinini, Fabio Cannavaro, Alessandro Nesta, Sergio Ramos, Rio Ferdinand, Vigil van Dijk, John Terry iyo kuwo kale.
Ronaldo oo usoo ciyaaray kooxaha Sporting Lisbon, Manchester United oo laba-jeer ah, Real Madrid, Juventus iyo hadda oo uu Al-Nassr joogo, ayaa waqti dheer oo uu ahaa khalkhaliyaha iyo ciyaartoy ay aad uga cabsadaan difaacyahannadu, waxa uu isaguna magacaabay midkii nafta u keenay.
Laacibkan oo 20 kulan oo uu u saftay Al Nassr u dhaliyey 20 gool oo horyaalka Sucuudiga ah, ayaa waxa difaacii ugu adkaa ee uu waajaho uu ku sheegay Ashley Cole oo u ciyaari jiray Arsenal iyo Chelsea, kaas oo ay waqtiyo badan iska hor yimaaddeen intii uu joogay horyaalka Premier League.