Cristiano Ronaldo oo arrin aanu filayn kala kulmay taageereyaasha xulka qarankiisa Portugal ka hor ciyaarta adag ee Switzerland ee wareegga 16ka Koobka Adduunka ee caawa.

Cristiano Ronaldo ayaa arrin aanu filayn kala kulmay taageereyaasha xulka qarankiisa Portugal ka hor ciyaarta adag ee Switzerland ee wareegga 16ka Koobka Adduunka ee caawa. Ronaldo oo la filayo inuu kusoo bilowdo weerarka xulkiisa ayaa waxay taageereyaashu dalbadeen in kaydka loo diro oo aan la ciyaarsiinin.

37 jirkan ayaa la beddelay ciyaartii u dambaysay ee guul-darradu ay kasoo gaadhay dalkiisa ee ay Koonfur Korea  ka adkaatay, ayaa muujiyey in uu ka xun yahay in uu beddel ku baxo qaybtii dambe.

Tababare Santos ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka cadhooday hab-dhaqanka Ronaldo ee xilligii ay isku diyaarinayeen Koobka Adduunka oo ay saamayn ku yeelatay ciyaartoyda xulka waraysigii uu bixiyey Ronaldo iyo go’aankii ka dambeeyey ee ay Red Devils ku burburisay qandaraaskiisa.

Taageereyaasha xulka qaranka Portugal ayaa iyaguna hadda u muuqda in ay lumiyeen kalsoonidii ay u hayeen Ronaldo, waxaanay ka  dalbadeen tababare Santos in uu fadhiisiyo xiddigan kulanka Switzerland ee caawa.

Sida ay muujisay afti laga qaaday taageereyaasha xulka qaranka Portugal, 70 boqolkiiba waxay dalbadeen in la fadhiisiyo Cristiano Ronaldo kulanka Switzerland ee caawa.

Aftidan oo uu qaaday wargeyska A Bolo ee kasoo baxa waddanka Portugal, waxay taageereyaashu sheegeen in saddexdii ciyaarood ee Ghana, Uruguay iyo South Korea intaba uu liitay Ronaldo, sidaas darteedna ay tahay in la fadhiisiyo caawa, isla markaana lagu soo bilaabo Andre Silva ama Goncalo Ramos oo uu ka garab ciyaaro Joao Felix, halka Bruno Fernandes uu u noqonayo kubbad-sameeyahooda ka caawinaya khadka dhexe.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*