Home Horyaalka Italy Cristiano Ronaldo oo caawa isku qori kara Taariikh Cusub Kulanka Inter Milan...

Cristiano Ronaldo oo caawa isku qori kara Taariikh Cusub Kulanka Inter Milan iyo Juventus

0
AFP

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isha ku haya rikoodh Taariikhi ah oo cusub marka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Inter Milan kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da.

Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya gool dhalinta Serie A-da isaga oo dhaliyay 15 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan 2 gool-na ka horeeya xiddiga Romelu Lukaku ee kaalinta 2-aad ku jira.

Wargayska Tuttosport ayaa diirada saaray rikoodhka uu Cristiano Ronaldo isha ku hayo hadii uu ugu yaraan gool dhaliyo kulanka Inter Milan.

Cristiano Ronaldo ayaa u baahan hal gool si uu u noqdo xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda kubada cagta dhaliya 20 gool tartamada oo dhan 15 xilli ciaareed oo xidhiidh ah.

Ma jiro xiddig sidaas horay uga sameeyay kubada cagta xitaa xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi ayaan ku riyoon rikoodhkaas oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here