Home Warar Ciyaaraha Maanta Cristiano Ronaldo oo dhaleeceyn u jeediyay tababaraha Manchester United Erik ten Hag

Cristiano Ronaldo oo dhaleeceyn u jeediyay tababaraha Manchester United Erik ten Hag

0

Cristiano Ronaldo ayaa dhaleeceyn u jeediyay tababaraha Manchester United Erik ten Hag halka Alejandro Garnacho uu “LIKE” saaray dhaleecaynta uu Ronaldo u jeediyay tababaraha.

Ronaldo waligiis ma noqon mid ka xishooda inuu fikirkiisa ka dhiibto dhibaatooyinka Man Utd, wuxuuna qabaa in Ten Hag uu u baahan yahay ‘aqoon’ dheeraad ah si uu ugu guuleysto Old Trafford.

Red Devils ayaa badisay hal kulan waxaana laga badiyay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ay ciyaartay Premier League ilaa iyo haatan, waxaana garoonkeeda 3-0 ku xasuuqday kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool kulankoodii ugu dambeeyay.

“Tababaraha Man Utd [Ten Hag] ma dhihi karo ma u tartami karaan ku guuleysiga Premier League iyo Champions League sanad walba,” Ronaldo ayaa u sheegay FIVE.

“Tani waa Man United! Waa inaad halkaas joogtaa maskax ahaan, waxa laga yaabaa in aanan tayadaas lahayn haatan”.

“Tani waa sababta ay Man United ugu baahan tahay inay dib u dhisto. Haddii Ten Hag uu dhageysto Ruud van Nistelrooy… waxaa laga yaabaa inuu ku caawin karo. Wuu garanayaa kooxda”.

Xiddiga Garnacho Ayaa “LIKE” Saaray hadalka Ronaldo waxana uu la kulmi karaa dhibaato uga timaada dhinaca tababaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here