Cristiano Ronaldo oo doonaya in Luis Enrique uu noqdo tababaraha xiga ee Manchester United

Manchester United xidigeeda Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo  Tababaraha xulka Spain Luis Enrique inuu noqdo tababaraha xiga ee joogtada ah ee kooxda.

Red Devils ayaa subaxnimadii Axadda ku dhawaaqday in Ole Gunnar Solskjaer laga qaaday shaqadii Old Trafford ka dib guuldaradii 4-1 ee ka soo gaartay Watford ee Premier League.

Michael Carrick ayaa maamuli doona kooxda ‘ciyaaraha soo socda’ halka ay kooxdu doonayso in ay magacawdo tababare ku meel gaadh ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Brendan Rodgers , Erik Toban Hag , Mauricio Pochettino , iyo Zinedine Zidane ayaa dhamaantood lala xiriirinayaa booska.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sky Sports News , Ronaldo ayaa doonaya in Enrique uu qabto shaqada kooxda, iyadoo Xidiga reer Portugal uu aaminsan yahay in 51 jirkaan uu yahay tayada saxda ah ee tababaraha si uu u qabto shaqada.

Enrique ayaa xirfadiisa maamuleed ka soo bilaabay kooxda Barcelona B ka hor inta uuna qaban kooxaha Roma iyo Celta Vigo ka hor inta uuna Camp Nou ku laaban 2014 kii.

Isbaanishka ayaa kooxda Catalan ku hogaamiyay labo horyaal oo La Liga ah, seddex koob oo Copa del Rey ah iyo Champions League intii lagu jiray guulo heer sare ah, halka uu Spain ku hogaamiyay semi-finalka Euro 2020 iyo kaalinta labaad ee 2020-21 UEFA

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*