Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Man United Kadib Guushiii u Ku Hogaamiyay Xulkiisa Portugal.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Wakhtigiisii Man United soo xidhmay kadib guushii uu xulkiisa Portugal ku hogaamiyay koobka adduunka Khamiistii.

Ronaldo ayaa sameyay taariikhda kadib markii uu gool dhaliyay kulankii uu xulkiisu ka badiyay xulka Ghana isaga oo noqday xiddiga kaliya ee taariikhda koobka adduunka gool dhaliya 5 koob adduun oo kaal duwan.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa todobaadka dhamaystay isaga oo bilaa koox ah kadib markii ay Man United kansashay heshiiskii xiddiga.

Markii la waydiiyay in ay ahayd todobaad adag kadib bixitaankiisii ​​United, Ronaldo ayaa madaxa ruxay intii ay socotay su’aasha wuxuuna ku jawaabay: ‘Waa muhiim in aan guulaysanay.

“Waxa uu ahaa Todobaad uu soo dhamaaday wakhtigaygii Man United, haatan waxa aan doonayaa in aan si fiican ku bilowdo waanan badinay”.

“Waan caawin karaa xulkayga waxa kale oo dhan macno ma lahan haatan”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*