Cristiano Ronaldo oo Jawaab Adag la siiyay Kadib Markii Uu Dhaleeceeyay Xulkiisa.
Cristiano Ronaldo ayaa hadallo dhaleeceyn ah u jeediyay xiddigaha xulka qarankiisa ee Portugal Isniintii, si la mid ah sida kabtanka England Harry Kane, hase yeeshee mid ka mid ah ciyaartoyda ayaa si caro leh uga jawaabay.
Ronaldo oo 39 jir ah, ayaa muujiyay niyad-jabkiisa isagoo sheegay inuu ka xun yahay ciyaartoyda aan dooneyn inay ka qeyb galaan kulamada Nations League. Xulka Portugal ayaa kula jiro loollan adag xulalka Poland iyo Croatia, iyagoo ku hogaaminaya guruubkooda saddex dhibcood oo kaliya.
Xiddiga daafaca ee Nuno Mendes, oo ka mid ah xiddigaha kula ciyaari doona Poland garoonka Estadio do Dragao Jimcaha, ayaa si cad u muujiyay inuusan raalli ka ahayn hadalka kabtanka, isagoo jawaab ka bixiyay hadallada Ronaldo.
“Kadib guulaha badan iyo kooxaha kala duwan ee aan u ciyaaray, ma jiro wax ka wanaagsan ka ciyaaridda xulka qaranka, matalidda dalkeenna, dhaqankeena, iyo carruurteena. Taasi waa sababta aan uga niyad jabsanahay qaar ka mid ah ciyaartoyda aan dooneyn inay matalaan dalkooda,” ayuu yidhi Ronaldo.
Markii wax laga weydiiyay hadalka Ronaldo, Nuno Mendes wuxuu si cad uga jawaabay isagoo leh: “Qof kastaaba wuxuu leeyahay aragti. Aniga waxaan ka hadli karaa nafteyda.”