Cristiano Ronaldo oo ka Faceliyay Osman Bukari oo Sameeyay Dabaaldaga uu Caanka ku yahay Xidigan

Cristiano Ronaldo ayaa u muuqday mid aan si fiican ugu faraxsanayn xiddiga reer Ghana ee Osman Bukari uu soo bandhigayay dabaaldega goolkiisa.

Kabtanka Portugal ayaa durbadiiba ku dhawaaqay ‘Siuuuu’ xilli uu u dabaaldegayay rigoore uu dhaliyay wax ka yar saacada ciyaartii koobka adduunka ee heerka guruubyada ee labada xul.

Andre Ayew ayaa intaa kadib gool barbardhac ah u dhaliyay xulka Ghana,kaliya kooxda Fernandos Santos ayaa laba gool oo kale dhalisay.

Laakiin ka dib markii uu Ronaldo soo baxay oo ay kooxdiisu si adag hogaanka ugu hayso, Ghana Bukari ayaa gool u soo celiyay kooxdiisa iyada oo saacadu ay ku sii siqaysay waqti buuxa.

Xiddiga reer Ghana ayaana si cad hal shay maanka ugu haayay markii uu kubada shabaqa dhex dhigay.

Markii uu u orday dhanka Calanka ayuu sameeyay Caalamada iyo Dabaaldaga Xidiga Ronaldo.

Kaamirooyinka ayaa markaas lagu aadiyay ciyaaryahankii hore ee Manchester United oo fadhiya kursiga keydka, kaasoo gacmihiisa madaxa saaray isagoo niyad jabsan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*