Cristiano Ronaldo ‘oo ku dhow inuu aqbalo ku biiritaanka koox Cusub iyo qandaraas laba sano

Xiddiga shanta jeer ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo ayaa ku sii siqaya in uu ku biiro kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr kadib markii uu bur-buray heshiiskiisa kooxda Man United sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain. 

Xiddiga 37 jirka ah ayaa haatan ah wakiil xor ah kadib markii ay Red Devils xaqiijisay bixitaanka xiddiga reer Portugal horaantii todobaadkan kadib markii ay labada kooxoodba soo afjareen heshiiskiisa Old Trafford.

Ronaldo ayaa haatan diirada saaraya xulkiisa koobka adduunka iyaga oo isku diyaarinaya in ay wajahaan Ghana kulankooda furitaanka Group-ka H laakiin marka la eego waxa ay u muuqataa in daaha gadaashiisa laga dareemayo dhaq dhaqaaq ku socda mustaqbalka naadigiisa.

Sida laga soo xigtay Majaladda MARCA , CR7 ayaa hadda u muuqda inuu u dhaqaaqayo Sacuudiga, iyadoo Al-Nassr ay diyaar u tahay inuu bixiyo lacag il-qabad leh si uu xiddiga weerarka ugu keeno Bariga Dhexe.

Markii hore shaki ayaa laga muujiyay in Ronaldo uu diyaar u yahay inuu ka ciyaaro Sacuudiga iyadoo laga cabsi qabo in horyaalku uusan noqon mid tartan ku filan.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Isbaanishka ayaa hadda soo wariyay in Ronaldo uu u muuqdo mid diyaar u ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*