Cristiano Ronaldo oo ku jira liiska seddexda ciyaaryahan ee PSG ugu sharaxan bedelka Kylian Mbappe.

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo bedelka Kylian Mbappe .

Inkasta oo PSG ay samaynayso dadaal kasta oo ay ku doonayso in ay Mbappe ku sii heyso Parc des Princes dhamaadka xilli ciyaareedkan, haddana waxa ay u muuqataa mid sii kordheysa in uu xiddiga reer France bixi doono marka uu dhamaado heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay Evening Standard , kooxda reer France ayaa laga yaabaa inay isku diyaariyaan inay keenaan Ronaldo hadii Mbappe uu kooxda ka tago.

Waxaa la isla dhexmarayaa in xiddiga reer Portugal uusan aad ugu faraxsaneyn nolosha Old Trafford iyadoo United aysan awoodin inay tartan u gasho horyaalka Premier League.

Inkastoo 36-sano jirkaan uu qandaraas kula jiro ilaa 2023, United uma badna inay is hortaagto hadii uu doonayo inuu ku biiro koox kale oo ka ciyaarta horyaalka shisheeye.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in PSG ay sidoo kale isha ku heyso xaaladaha kala duwan ee ku lug leh Bayern Munich Robert Lewandowski iyo kan Borussia Dortmund Erling Braut Haaland .

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*