Cristiano Ronaldo oo la filayo inuu dib ugu soo laabto Sporting Lisbon.

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa la saadaaliyay inuu dib ugu soo laaban doono kooxdii caruurnimada ee Sporting Lisbon .

37 jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford xagaagan, inkastoo uu si qiiro leh ugu soo laabtay kooxda xagaagii hore.

Rabitaanka inuu ciyaaro kubada Champions League, iyo sidoo kale horumarka gaabiska ah ee United ee suuqa kala iibsiga, ayaa ah labo sababood oo la sheegay in xiddiga reer Portugal uu mustaqbalkiisa ka fogaanayo Manchester.

U dhaqaaqista kooxaha sida Chelsea , Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood la saadaaliyay, laakiin ma jirto koox wali u soo baxday si ay u xaqiijiso saxiixa weeraryahanka sida ay wax u socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, suurtogalnimada ku soo laabashada kooxda reer Portugal ee Sporting, oo ay United markii hore kala soo wareegtay Ronaldo, ayaa sidoo kale la saadaalinayay xagaagan , Francisco Barao ayaa sheegay in u dhaqaaqi doono.

Isagoo la hadlayay Record , Barao ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in Cristiano Ronaldo uu imaan doono.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*