Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray Real Madrid si uu dib ugu laabto Bernabeu iyadoo dhawaanahan la isla dhexmarayay mustaqbalkiisa.
35 jirkaan ayaa qandaraas kula jira Turin ilaa xagaaga 2022, laakiin waxaa la soo jeediyay in Juve uu ka tagi karo dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21 si loo yareeyo miisaaniyadooda mushaharka.
Sida laga soo xigtay Marca , Ronaldo wuxuu u furan yahay fikirka ah inuu ku laabto Madrid wuxuuna la xiriiray Los Blancos si uu ugala hadlo suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqayo marka uu ka tago Juve.
Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka reer Portugal uu xiriir xun lalahaa kooxda heysata horyaalka Spain tan iyo markii uu ka tagay 2018.
Ronaldo, oo sidoo kale lala xiriirinayo inuu ku laabanayo Manchester United , ayaa dhaliyey 71 gool 94 kulan oo uu u saftay Old Lady, oo ay ku jirto lix gool shan kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan inkasta oo uu wakhti dheer ku qaatay maqnaanshaha ka dib markii laga helay coronavirus.
Weeraryahanku wuxuu dhaliyay 450 gool 438 kulan oo uu u saftay Los Blancos, dhanka kale, wuxuu kula guuleystay labo horyaal oo La Liga ah iyo afar horyaal oo Champions League ah intii lagu gudajiray guulo waa weyn caasimada Spain.