Home Warar Ciyaaraha Maanta Cristiano Ronaldo oo magacaabay xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta Ballon D’or-ka

Cristiano Ronaldo oo magacaabay xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta Ballon D’or-ka

0

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa magacaabay xiddigaha ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta Ballon D’or-ka.

Ronaldo ayaa wax ka garanaya ku guulaysiga abaalmarinta maadama uu horay ugu guulaystay sanado badan.

Ronaldo ayaa wareysi uu siiyay saxaafada ku sheegay: “Mbappe waxa uu ku guuleysan karaa Ballon d’Or sanadaha soo socda, sidoo kale Haaland iyo Bellingham”.

Waxa uu intaa ku daray: “Lamine Yamal sidoo kale waa musharax ku guuleysan doona Ballon d’Or mustaqbalka.”

Ronaldo ayaan xiddiga Real Madrid ee Vinicius ka dhex dooran xiddigaha ku guulaysan doona abaalmarinta Ballon d’Or isaga oo og in xiddiga reer Brazil uu yahay musharraxa ugu horreeya ee ku guulaysan kara abaalmarinta sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here