Cristiano Ronaldo oo Sameeyay Tilaabo Markii Bruno Fernandes uu Qasaariyay Rigoorada

Ronaldo ayaa ahaa xiddigii ugu horeeyay ee qalbiga u dhisa Bruno Fernandes kadib markii uu rikoodhada khasaariyay kulankii Aston Villa.

Man United ayaa laga badinayay xilli ay daqiiqadii ugu dambaysay heshay rikoodhada waxana u istaagay xiddiga Bruno Fernandes inkasta oo la wada filayay in uu Ronaldo qaato rikoodhada.

Laakiin Bruno ayaa ka khasaaryay kooxdiisa fursad ay hal dhibic ku heli lahaayeen kadib markii uu kubada cirka mariyay sidaasna ku fashilmay in uu kooxdiisa ciyaarta ugu soo celiyo.

Cristiano Ronaldo ayaa looga bartay kibir iyo in uuna inta badan xiddigaha kale ula dabaal dagin goolasha marka laga reebo goolasha uu dhaliyo ayaa u tagay xiddiga ay isku dalka yihiin isaga oo qalbiga u dajiyay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*