Home Warar Ciyaaraha Maanta Cristiano Ronaldo oo shaaca ka qaaday kooxda uu kaga fariisan doono kubbadda...

Cristiano Ronaldo oo shaaca ka qaaday kooxda uu kaga fariisan doono kubbadda cagta.

0

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday kulamadii ugu horeeyay ee kooxda Al-Nassr ee horyaalka iyo waliba koobka Super Cup-ka Saudi Arabia ee xagaagan.

Wareysigiisii ​​ugu dambeeyay Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu kaga fariisan doono kubbadda cagta.

Waxa uu jeclaan lahaa in uu xirfaddiisa ku dhammeeyo Al-Nassr oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horyaalka Sucuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Portugal ma uusan sheegin xilliga uu ka fariisan karo ciyaaraha, laakiin wuxuu ku koobay inuu sheegay inay dhici karto “laba ama seddexda sano oo soo socota”.

“Ma garanayo in aan dhawaan ka fariisan doono shaqada, laba ama saddex sano gudahood, laakiin waxay u badan tahay inaan ka fariisan doono halkan, Al-Nasr.

Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdan, waxaan ku dareemayaa wanaag dalkan.

Waan ku faraxsanahay inaan ka ciyaaro Saudi Arabia, waxaana doonayaa inaan sii wato.”

Wareysi uu dhawaan bixiyay CR7 ayuu kaga hadlay mowduuca ah inuu ka fariisanayo xulka qaranka Portugal, wuxuuna sheegay in marka uu go’aansado inuu ka fariisto xulka qaranka uusan cidna kala hadli doonin arrintan.

“Aad ayaan ugu hanweynahay inaan matalo Portugal, waa riyo.

Taasi waa sababta, markaan ka tago xulka qaranka, qofna u sheegi maayo.

Waxay noqon doontaa go’aan aan si kedis ah u qaadan doono, laakiin waa go’aan ay tahay inaan wax badan ka fikiro.

Hadda waxa aan doonayo waa inaan caawiyo xulka qaranka,” Cristiano Ronaldo ayaa ku yiri wareysi uu siiyay Now, sida ay soo xigatay Mundo Deportivo.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale la ciyaaray Portugal Euro 2024.

Portugal waxaa rigoorayaal kaga reebtay tartanka xulka France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here