Home Warar Ciyaaraha Maanta Cristiano Ronaldo oo shaaciyay qorshihiisa ku saabsan ka fariisashada xulka qaranka Portugal

Cristiano Ronaldo oo shaaciyay qorshihiisa ku saabsan ka fariisashada xulka qaranka Portugal

0

Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaciyay qorshihiisa ku saabsan ka fariisashada xulka qaranka Portugal, isagoo sheegay inuu go’aansan doono marka ay ku habboon tahay.

Isagoo sii wata inuu taageerayaasha kaga yaabsado qaab ciyaareedkiisa kooxda Saudi Pro League ee Al Nassr, Cristiano Ronaldo wuxuu sidoo kale ka hadlay hadii uu noqon doono tababare mustaqbalka.

“Aad bay u adag tahay in laga fikiro in aan maalin maalmaha ka mid ah Tababare noqon doono”. Ayuu yidhi Cristiano.

“Maskaxdayda, kama fiirsanayo inaan noqdo tababaraha koox kasta oo kubada cagta ah, xitaa kama fikiro arintaas”.

“Malaha waxaan arkaa mustaqbalkayga oo samaynaya waxyaabo ka baxsan kubbada cagta”, ayuu yidhi Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan waqti fiican kula bilowday kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Nassr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here