Home Wararka Ciyaaraha Cristiano Ronaldo oo shaki ku jiro kulanka Manchester United vs West Ham...

Cristiano Ronaldo oo shaki ku jiro kulanka Manchester United vs West Ham United

0
Ad

Ralf Rangnick ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu shaki ku jiro inuu taam u yahay kulanka Manchester United ee West Ham sababo la xiriira dhaawac qoorta ah.

36 jirkan ayaan ku faraxsanayn in lagu badalo kulankii ay United 3/1 kaga badisay Brentford fiidnimadii Arbacada laakiin kooxda ayaa haatan xaqiijisay in uu dhaawac qoorta ah ka soo gaadhay intii ay ciyaarta socotay.

Ad

Rangnick ayaa aaminsan in Edinson Cavani iyo Jesse Lingard ay labadooduba ku tartami karaan shaxda kooxda ka dib dhaawac.

Dhanka kale, Jadon Sancho ayaan tababar qaadanin Khamiistii ka dib markii uu ka soo qeyb galay aaska Arbacadii, waxaana uu shaki ku jiraa kulanka West Ham ee sabtida ka dhici doona Old Trafford.

“Cristiano waa calaamad su’aal sababtoo ah dhib ayuu ka qabaa qoorta ah,” Rangnick ayaa u sheegay MUTV.

“Waxa uu helay daawaynta shalayto laba ilaa saddex saacadood, waxa aanu sugi doonaa sida uu maanta dareemayo.

Previous articleWararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Paul Pogba, Alex Sandro, Anthony Martial, Thomas Frank, Raphinha, Vlahovic, Antonio Rudiger
Next articleSaadaasha Paul Merson ee Kulamada Premier League 23aad Natiijada Kulanka Manchester United Vs West Ham United, Chelsea Vs Spurs

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here