Home Wararka Ciyaaraha Cristiano Ronaldo Oo Sujuuday kadib Markii Ugaaracay Kooxda Al Shabab

Cristiano Ronaldo Oo Sujuuday kadib Markii Ugaaracay Kooxda Al Shabab

0
Ad

Weeraryahanka kooxda Al Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay kooxdiisa ka caawiyay inay tartanka horyaalka Saudi Arabia kusii jirto iyadoo guul soo laabasho 3-2 ah ka gaadhay Al Shabab.

Al Shabab ayaa 40 daqiiqo 2-0 ku hoggaaminaysay Al Nassr balse kaddib markii ay labada gool ee hore iska soo gudeen ayuu Ronaldo daqiiqadii 59-aad goolka kulanka 3-2 ka dhigay u dhaliyay kooxdiisa.

Ad

Ronaldo ayaa kubadda ku qabsaday garabka bidix meel xerada ganaaxa ka durugsan wuxuuna maray laba kamida xiddigaha Al Shabab kahor inta uusan gool gantaal ah shabaqooda la gaadhin.

Arrinta ugu hadal haynta badan kulankaas ayaan ahayn goolka cajiibka ah ee Cristiano dhaliyay amaba guusha soo laabashada ah ee kooxdiisu heshay balse ah mid kamida dabaaldegyadii uu sameeyay goolkiisa.

Ronnie ayaa iyadoo asxaabtiisa Al Nassr ku xoonsan yihiin dhulka jilbaha dhigay isla markaana sujuuday iyagoo u sacabiyay lana dhacsan hab dhaqankiisa.

Ronaldo ayaa mudo shan bilood ah ku sugan dalka Saudi Arabia wuxuuna u muuqdaa mid wax badan ka arkay hab dhaqanka Umada Muslimiinta ah.

Previous articleSuuqa Real Madrid Oo Liverpool Galay & Xiddiga Laf-Dhabarta U Ah Klopp Ee Madrid Looga Gaca Haadinayo
Next articleJoshua Kimmich oo looga gacan haadinayaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here