Cristiano Ronaldo oo taariikh ka dhigay koobka adduunka kadib markii ay Portugal guul dirqi ah ka gaareen xulka Ghana

Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii abid ugu horeeyay ee shan koob oo kala duwan gool ka dhaliya koobka aduunka kadib guushii Ghana.

37-sano jirkaan oo haatan koox la’aan ah ka dib markii uu ka tagay Manchester United Talaadadii, ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta rigoore u dhaliyay xulka Portugal.

Waxa uu ahaa goolkii sideedaad ee Ronaldo uu ka dhaliyo Koobka Adduunka, mid kasta oo ka mid ah kuwa yimid heerka group-yada – waana ciyaaryahanka ugu badan ee aan wali gool ka dhalin wareega 16ka. 

Pele, Uwe Seeler iyo Miroslav Klose ayaa dhamaantood shabaqa soo taabtay afar koob oo adduunka ah, laakiin Ronaldo ayaa haatan ku jira safka hore ee dhankaas ka dib markii uu dhaliyay goolkiisa Ghana.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*