Home Warar Ciyaaraha Maanta Cristiano Ronaldo oo xalay dhaliyay goolkiisii 50aad ee Horyaalka Sacuudiga.

Cristiano Ronaldo oo xalay dhaliyay goolkiisii 50aad ee Horyaalka Sacuudiga.

0

Cristiano Ronaldo wuxuu xalay dhaliyay goolkiisii 50aad ee Horyaalka Sacuudiga.

Ronaldo wuxuu haatan u baahan yahay keliya sideed gool si uu u gaaro goolkiisii ​​900-aad ee xirfadiisa ciyaareed ee koox iyo wadan ka dib markii uu dhaliyay goolkii furitaanka xilli ciyaareedka Saudi Pro League 2024 ee Al Nassr.

Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Al Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa si habsami leh ku bilowday horyaalka Sucuudiga ee Pro League 2024, isagoo dhaliyay goolkiisii ​​50-aad ee horyaalka isagoo ka dhaliyay kooxda Al Raed ciyaartii furitaanka xilli ciyaareedka.

Ronaldo ayaa ciyaarta ku soo afjari karayey 15 daqiiqo markii ay ciyaarta ka hadhsanayd markii uu dhaliyay goolkii labaad oo uu shabaqa ku hubsaday laakiin markii uu garsoorahu eegay VAR ayaa laga diiday.

Taas ayaa la macno ah in Al Nassr bar-baro lagu qabtay , inkasta oo Ronaldo uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 34-aad.

Ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or, kaasoo dhigay rikoorka horyaalka Saudi Pro xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 35 gool, ayaa dhaliyay goolkiisii ​​​​ugu horeysay ee xilli ciyaareedka cusub isagoo kubad madax ah u dhaliyay daqiiqadii 34aad.

Goolka ayaa ahaa goolkii 50-aad ee Ronaldo uu dhaliyay 48 kulan oo uu ciyaaray Saudi Pro League.

Waxaa cajiib ah in Ronaldo uu haatan sideed gool oo kaliya uu u jiro inuu gaaro goolkiisii ​​900-aad ee xirfadiisa ciyaareed.

Ronaldo ayaa wali raadinaya koobkiisii ​​ugu horeeyay tan iyo markii uu ku biiray Al Nassr ka dib markii uu ka tagay Manchester United bishii December 2022kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here