Croatia 1-1 Brazil: Xulka Brazil oo Rigoorayaal looga Ciribtiray Koobka Adduunka, Oohintooda oo la Celin waayay

Xulka qaranka Croatia ayaa ka reebay koobka adduunka Brazil kadib markii ay rigoorayaal ku garaaceen ciyaar ku dhamaatay bar-baro 1-1 ah Jimcihii kuwaasi Oohintooda la celin waayay Caawa.

Neymar ayaa u muuqday mid dhamaadkii waqtigii dheeriga ahaa Guul gaarsiinaya Xulkiisa kadib gool qurux badan uu dhaliyay ka hor inta aanu goolka barbaraha si lama filaan ah u dhalin Bruno Petkovic kaas oo ciyaarta ka dhigay rigooreyaal,

Rikoodheyaal loo dhigay ayaa waxa wacdaro ka dhigay goolhayaha Croatia oo Livakovic oo qabtay rikoodhihii ugu horreeyey ee Brazil oo uu laagtay da’yarka Real Madrid ee Rodrygo Goes. Waxa kale oo rikoodhihiisa birta ka  jaray oo kubadda khasaariyey Marquinhos, halka afar ciyaartoy oo Croatia u tuuray rikoodheyaashu ay dhamaantood dhaliyeen.

Rikoodheyaal ayaa loo dhigay labada xul, waxaana 4-2 ku badisay Croatia oo semi-finalka ku sugaysa Argentina iyo Holland midkooda soo baxa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*