Crystal Palace 0-2 Arsenal: Gunners oo guul ku bilaabatay Horyaalka Premier league-ga

Kooxda Arsenal ayaa si qurux badan ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League kadib markii ay 2/0 uga badisay Crystal Palace kulan ka dhacay Selhurst Park.

Saxiixyada cusub ee Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko ayaa kulankooda ​​ugu horeeyay u saftay kooxda Mikel Arteta waxayna labadooduba sameeyeen saamayn, Jesus ayaana soo jiitay indhaha, halka Zinchenko uu caawiye ka ahaa goolkii furitaanka ee ciyaarta.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka ayaa Arsenal siisyey guul bilow fiican ah oo ay kusoo gaadheen garoon ay marti ku ahaayeen, halka Crystal Palace ay iska khasaarisay fursado badan oo ay heshay labadii qaybood ee ciyaarta.

Kubbad koorne ahayd oo uu Bukayo Saka kasoo qaaday dhinaca midig ayay difaaca Palace madax iskaga saareen, waxaase dib usoo celiyey Oleksanr Zinchenko oo soo hidheeyey, waxaana madax kale ku dhamaystiray Martinelli oo daqiiqaddii 20aad u dabbaal-degay goolka furitaanka ee ciyaarta.

Dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay Arsenal heshay gool labaad oo uu darbo xooggan ku dhaliyey Bukayo Saka oo dhinaca midig kubadda kala soo galay, lugta midigna ku weydaariyey goolhaye Vicente Guaita oo ay habeen madow u ahayd.

Maxaa xiga?

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku wajihi doonta Leicester City sabtida soo socota kulan ka tirsan Premier League, halka Crystal Palace ay u safri doonto Anfield isniinta soo socota.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*