Culeyska heysta Roma oo sii kordhaya iyo 13 xidig oo ka maqnaanaya kulanka Crotone.

Dhibaatada dhaawaca ee kooxda Roma ayaa sii xoogeysatay maadaama Federico Fazio uu qabo cudurka qumanka, taasoo la micno ah in 13 ciyaartoy ay ka maqan yihiin kulanka caawa ee Crotone.

Kooxda Giallorossi ayaa la dagaallameysa Sassuolo si ay ugu sii jiraan booska 7aad waxaana ay labo dhibcood oo kaliya ay ka horeeyaan kooxda Sassuolo waxana ay rabaan in ay sii dheereystaan dhibcaha ay hada ka sareeyaan sidoo kale waxa ay rabaan in ay qeyb ka noqdaan booska loogu soo baxo Europe Legaue.

Waxa safka caawa kooxda Roma ka maqan kamid ah xidigaha kala ah Pau Lopez, Leonardo Spinazzola, Carles Perez, Chris Smalling, Amadou Diawara, Stephan El Shaarawy, Jordan Veretout, Gonzalo Villar, Riccardo Calafiori, Riccardo Ciervo iyo Nicolò Zaniolo.

Gianluca Mancini iyo sidoo kale Federico Fazio Lama heli doono ciyaartaan Waxay la micno tahay in aan la heli doonin 13 ciyaartoy kulanka caawa ee Crotone.

Kooxda Roma diyaarka u ah kulanka Crotone waxa ay kala yihiin: Farelli, Mirante, Fuzato, Karsdorp, Ibanez, Juan Jesus, Santon, Reynolds, Kumbulla, Peres, Cristante, Pellegrini, Pastore, Bove, Darboe, Zalewski, Mkhitaryan, Dzeko, Pedro, Mayoral.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*