Daafaca Barcelona Samuel Umtiti oo isha ku haya Kooxda Arsenal

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa weli xiiseynaya inuu keeno daafaca Barcelona Samuel Umtiti .

Daily Star ayaa ku warameysa in tababaraha Arsenal uu ka fiirsanayo inuu lasoo wareego 28-sano jirkaan xagaagan inkastoo uu amaah ku waayay ciyaaryahanka bishii Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa loo maleynayaa inuu dheeraad ku yajay shuruudaha laga rabo Nou Camp, waxaana hadda loo sheegay inuu ka tagi karo kooxda La Liga.

Warka ayaa soo baxay isla usbuuca in daafaca dhexe ee Gunners Gabriel lala xiriirinayo Juventus .

Hadii xiddiga reer Brazil uu ka tago Emirates, Arteta ayaa laga yaabaa inuu go’aansado inay ku ku badalo Umtiti.

Si kastaba ha ahaatee, taageereyaal badan oo Arsenal ah ayaa rajeynaya inay arkaan William Saliba oo kooxda koowaad xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii 21-sano jirku uu xilli ciyaareed guulo ah amaah kula joogay Marseille.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*