
Daafaca bidix ee Brighton & Hove Albion Marc Cucurella ayaa u muuqda inuu hoos u dhigay tilmaam weyn oo muujinaysay inuu ku wajahan yahay Manchester City xagaagan, taasoo ku saleysan is dhexgalkiisii ugu dambeeyay ee baraha bulshada.
23-sano jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Etihad Stadium, iyadoo Pep Guardiola uu xiddiga reer Spain u aqoonsaday inuu yahay bartilmaameedkiisa koowaad ee daafaca bidix.
Wakiilada Cucurella ayaa la fahamsan yahay inay u duuleen England si ay ugala xaajoodaan u dhaqaaqista daafaca ee kooxda heysata horyaalka Premier League, laakiin weli heshiis lama gaarin labada kooxood.
Dhanka kale, mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sareeya ee City ayaa ku sii dhowaanaya u dhaqaaqista Etihad, iyadoo Citizens ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Leeds United si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kalvin Phillips , heshiis gaaraya 45 milyan ginni.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheekadan ka hadlayay dhowr bilood, waxaana Jimcihii uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka warbixin cusub oo ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee Philippes ugu wareegay City.
Be the first to comment