Daafaca Chelsea Ben Chilwell oo u badan tahay inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedka

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka cabsi qabto in daafaceeda Ben Chilwell uu dhaawac halis ah ka soo gaaray kulankii Juventus habeenkii talaadada.

Chilwell ayaa u baahday in laga caawiyo garoonka intii lagu jiray qeybta labaad ee ciyaarta, Tuchel ayaana ciyaarta ka dib qirtay inuu ka walaacsan yahay xiddiga heerka caalami ee dalka England .

Kahor natiijada baaritaanka arbacada, The Sun ayaa sheegtay in Chelsea ay dareemayso in 24-sano jirkaan laga yaabo inuu soo gaaray dhaawac ACL.

Haddii ay taasi dhacdo, Chilwell waxa uu ku dhawaaday in inta ka hadhay ololaha uu maqnaado

Dhaawaca ayaa dhabar jab weyn ku ah ciyaartoyga iyo kooxdaba, Chilwell ayaa soo muuqday 10kii kulan ee uu ka soo muuqday Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*