Madaxweynaha kubada cagta Faransiiska Noel Le Graet ayaa arki kara Zinedine Zidane oo bedelaya Mauricio Pochettino oo ah tababaraha PSG .
Zidane ayaa ka mid ah dooqa koowaad ee kooxda PSG si uu u noqdo macalinkooda cusub, talaabadaas oo si weyn u soo jiitay ka dib guuldaradii Champions League ee ka soo gaartay Real Madrid wareega 16-ka ee Champions League.
“Zidane waxa uu Madrid ku muujiyay in uu leeyahay tayo aanu si dhib yar u malaynayn,” Le Graet ayaa u sheegay L’Equipe . “Dadka Faransiiska maskaxdooda, waxa ku jira badalka PSG Laakin ma ahan ujeedkeyga, waan arki doonaa. Didier [Deschamps] uu ka badalayo xulka.
Didier Deschamps ayaa la filayaa in uu France ku hogaamiyo koobka aduunka ee Qatar 2022 bisha November, laakiin tartanka kadib, waxaa laga yaabaa in Zidane uu noqdo tababaraha cusub hadii uusan ku biirin PSG .
Le Graet ayaa sheegay in tababarihii hore ee Real Madrid Zidane aan lagala soo xiriirin rajada ah in uu noqdo tababaraha France.
“Ma dhahayo nafteyda, ‘waxaan rajeynayaa in Didier uu yiraahdo maya si aan u arko Zidane oo qabtay PSG” ayuu yiri Le Graet.