Daafaca Liverpool Thiago Alcantara oo ka hadlay wararka xanta ah ee Barcelona

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara ayaa ka hadlay wararka lala xiriirinayo inuu ku laabanayo Barcelona .

Thiago waxa uu ka soo qalin jabiyay akadeemiyadda Barca ee La Masia, waxaana uu u saftay 100 kulan kooxda koowaad ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern Munich xagaagii 2013.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho Anfield sababo la xiriira dhaawacyo tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Liverpool, maamulaha Barca Xavi ayaana loo maleynayaa inuu doonayo inuu Thiago kula midoobo Camp Nou.

Thiago ayaa shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay kaga hadlay xiriirkaas, isagoo u sheegay suxufiyiinta: “Waxaan diiradda saarayaa waajibaadka aan u hayo kooxdayda iyo sannadaha aan la joogo kooxdayda fakarkeyga waa inaan ku guuleysto koobab halkan”

30-sano jirkaan ayaa ku faanay hal gool iyo hal caawin 38 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan Liverpool, waxaana uu kaliya seddex kulan oo Premier League ah kusoo bilowday kooxda Jurgen Klopp xilli ciyaareedkan.

Ku lug lahaanshaha Thiago ee shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka Talaadada ayaa soo jeedineysa inuu ka mid noqon doono safka hore ee booqashada Porto ee Champions League Arbacada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*