Home Warar Ciyaaraha Maanta Daafaca Man City ee Josko Gvardiol oo Wacad ku Maray in...

Daafaca Man City ee Josko Gvardiol oo Wacad ku Maray in uu ka aarsan Doono man United

0

Daafaca Man City ee Josko Gvardiol ayaa doonaya in uu ka aarsado man United kulanka Community Shield ee bisha soo socota, isaga oo wali ka xanaaqsan khaladkii Dilaaga ahaa ee uu sameeyay finalkii FA Cup-ka.

Qaladkii uu sameeyay Gvardiol ayaa keentay in ay Man United dhaliso goolka guusha waxana uu daafacu sheegay in uu khaladkaas wali xasuusto.

Wuxuu yiri: “Weli waxaan dareemayaa xanaaq ku saabsan wixii aan sameeyay…waxaan doonayay inaan kubbada dib ugu celiyo Stefan, ma aanan arkin, waxaan u maleeyay inuu khadka ku jiro, waxaan doonayay inaan kubada dib ugu celiyo.

Gvardiol waxa uu aad u xiiseeyaa in uu saxo khaladkii uu sameeyay isla markaas Man United ku garaaco community Shield-ka.

“Waxaan rabaa kaliya inaan ku guuleysto Community Shield oo aan muujiyo inaan diyaar u nahay xilli ciyaareedka soo socda”.

“Haddii aan badino kulankaas, waxay noqon doontaa sida dabayl dhabarka dambe naga riixaysa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here