Daafaca Manchester United Leny Yoro ayaa taageerayaashiisa ka farxiyay kadib markii uu warbixin ka soo saaray xaaladiisa.
Yoro ayaa noqday saxiixii labaad ee United xagaagan, isagoo kaga soo biiray Lille aduun dhan 52 milyan.
18-sano jirkaan oo ay si weyn u doondoonayeen Real Madrid ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah.
Si kastaba ha ahaatee, wali kulan Rasmi ah uma ciyaarin kooxda maadama uu ku dhaawacmay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Yoro waxa uu u baahday qaliin kaas oo u diiday in uu ciyaaro muddo 3 bilood ah.
Laakin Arbacadii daafaca dhexe ee da’da yar ayaa la wadaagay war wanaagsan oo ku saabsan xaaladiisa dhaawac.
Xiddiga ayaa baraha bulshada soo galiyay sawiro uu ku muujinayo isaga oo ordaya waxana uu ku soo qoray “Wadadii soo laabashada”