Daafaca Real Madrid David Alaba oo taam u ah kulanka Real Betis

Daafaca kooxda Real Madrid David Alaba ayaa soo gabagabeeyay tababarkii ugu horeeyay ee uu la qaato ciyaartoyda kale ee ay isku kooxda yihiin tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray lugtiisa midig lugtii hore ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaareen Manchester City .

Daafaca dhexe ayaa diyaar u ah inuu ciyaaro kulanka Real Betis jimcahaan kulanka ugu dambeeya ee Los Blancos ka hor finalka Champions League ee Liverpool 28ka May.

Liiska dhaawacyada Real Madrid ayaa si tartiib tartiib ah looga soo kabsaday, sida laga soo xigtay ilo wareedyo EFE ah oo kooxda ku sugan, Ancelotti ayaa la filayaa inuu awoodo inuu ku xisaabtamo kooxda oo dhan finalka, iyadoo Los Merengues ay raadineyso koobkeedii 14aad ee Champions League.

Ciyaaryahanka kale ee muhiimka ah, Karim Benzema , ayaa lahaa maalin fasax ah ka dib markii uu nastay kulankii Cadiz axadii hore, waxaana uu ku soo laaban doonaa tababarka Arbacada.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*