Daafaca West Ham Zouma oo lagu soo oogay Saddex dambiyo oo kala duwan

Xiddiga West Ham United Kurt Zouma ayaa lagu soo oogay saddex dambi sida uu dhigayo sharciga daryeelka xayawaanka.

Daafaca dhexe ee Faransiiska ayaa lagu wadaa in uu ka soo muuqdo maxkamada Thams Magistrates’ Court Talaadada maanta dhageysigiisa ugu horeeya.

Zouma waxaa lagu soo oogay isaga iyo walaalkiis, Yoan Zouma, kaasoo lagu eedeeyay inuu duubay dhacdo markii Kurt uu dembi ku galay bisadiisa.

Difaacuhu waxa uu wajahayaa laba dacwadood oo ah in uu keeno dhibaato aan loo baahnayn xayawaan la ilaaliyo, iyada oo aan la qaadin tillaabooyin macquul ah si uu uga ilaaliyo xayawaanka xanuunka, rafaadka, dhaawaca ama cudurrada.

Labada bisadood ee ay xanaanaynayeen Zouma ayaa hadda la jooga Ururka Royal Society for Prevention of Cruelty to Animals (RSPCA).

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*