Daafacii hore ee Man United ee Rio Ferdinand oo amaan ugu qubeeyay mid kamida da’yarta mustaqbalka u ah xulka dalkaasi

Daafacii hore ee Man United ee Rio Ferdinand ayaa amaan ugu qubeeyay mid kamida da’yarta mustaqbalka u ah xulka dalkaasi waana khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham oo xalay bandhig weyn ka sameeyay Champions League.

Bellingham ayaa xalay kooxdiisa Dortmund ka caawiyay inay guul weyn oo 4-1 ah kasoo gaadho dhigeeda Sevilla isaga oo gool iyo caawin sameeyay kulan uu kabtan ahaa.

Bellingham ayaa sidoo kale kulankaas ka dhacay Ramon Sanchez Pizjuan kusoo dhigay taariikh ah inuu noqday kabtanka ugu da’da yar ee gool kasoo dhaliyay taariikhda Champions League waxaana uu rekoodhkaas ku gaadhay 19 sano iyo 98 maalmood.

Saxeexa Jude ayaa lagu wadaa in si weyn loogu tartamo suuqa xagaaga dambe iyadoo kooxaha Real Madrid iyo Liverpool loo arko kuwa xifaaltanka ugu weyn u halo doona.

Ferdinand ayaa haatan sheegay inuusan hore u arag ciyaaryahan da’daas jira oo booskaas ka samaynaya waxa uu Bellingham ka samaynayo isaga oo xataa tusaale usoo qaatay qaar kamida kuwii ugu fiicnaa jiilkiisa.

“Waxaanu nidhi isla markii aanu aragnay, waxa uu ka samaynayo booskiisa isaga oo da’diisa jira maanu arag. Kuwii ugu fiicnaa jiilkayaga, Lampard, Gerrard, Scholes, Keane iyo Vieira, ragaasi waxan may samaynayn” ayuu Rio u sheegay BT Sports.

“Kaliya waxaan odhanayaa iyagu waxan may samaynayn, isagu wali wuu muujin karaa midaas wuxuuna samayn karaa wakhti dheer. Balse iyagu may samaynayn waxa uu haatan samaynayo, inaad saamayso kulan heerkan ah, inaad kabtan ka noqoto heerkan”.

“Isagu waa mid dhammaystiran maskaxiyana wiilkan yari waa mid weyn, shaki kama qabo midaas”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*