Cristiano Ronaldo ayaa la ilmeeyay markii uu garoonka ka baxayay daqiiqado ka dib markii Portugal ay noqotay xulkii ugu dambeeyay ee laga reebo koobka adduunka.
Morocco ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Portugal Sabtidii ciyaar ka dhacday garoonka Al Thumama.
natiijadaas oo laga yaabo inay soo afjarto fursadaha uu Ronaldo ku qaadi karo bandhigga kubadda cagta.
Cristiano Ronaldo in tears. Portugal are out. Shock. 🇵🇹💔 #FIFAWorldCup pic.twitter.com/vvfeLik5sn
— Adriano Del Monte (@adriandelmonte) December 10, 2022
Xiddiga reer Portugal ayaa lagu reebay wareega 8-da – waana markii labaad oo xiriir ah – laakiin waxaa daqiiqadii 51-aad soo galiyay tababare Fernando Santos, iyadoo kooxdiisu ay ku raad joogtay goolka barbaraha kaddib gool uu dhaliyay Youssef En-Nesyri dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta.