
Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa caawa ku baroortay garoonka dhexdiisa daqiiqado kadib markii xulka Croatia uu ka reebay koobka adduunka.
Xiddigga caanka ah – oo magaciisa buuxa uu yahay Neymar da Silva Santos Júnior – ayaa ilmeynayey, kaddib markii xulka sida weyn loo jecel yahay ee Brazil ay ku garaaceen Croatia wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka lagu qabtay Qatar.
Croatia ayaa u dhaqaaqi doonta inay la ciyaarto kooxdii soo badisa ciyaarta Argentina iyo Netherlands oo dhici doonta goor dhow.
Be the first to comment