
ninkan oo Aljeeriyan ah isla markana Youtuber ah ayaa lagu magacaabaa Said Mamouni kaasi oo dhibka kala kulmay xidigan
“Waxaan joogaa saldhigga booliiska si aan uga dacwoodo Etoo, wuu igu dhuftay, haraanti wuxuu burburiyay kamaradayda,” Mamouni ayaa ku yiri kanaalka uu ku leeyahay YouTube-ka
[VIDEO] Samuel Eto’o golpea peligrosamente a una persona al final del partido entre Brasil y Corea https://t.co/smWcShJBYE pic.twitter.com/aXacvIHIdM
— La Opinión (@LaOpinionLA) December 6, 2022
“Waxaan weydiiyay sida uu yahay Bakary Gassama Garsooraha Africanka Isreebreebka Koobka Adduunka], haddii uu laaluush siiyay kadib wuu igu dhuftay oo wuu iga burburiyay kamarada iyo makarafoonka labadaba, waxaan ogahay inaan xuquuqdeyda ku qaadan doono Qatar maadaama ay sharci tahay, laabta ayuu igaga dhuftay. iyo wejiga iyo xusulkayga.
Eto’o waa halyey ku nool dalkiisa hooyo ee Cameroon, wuxuuna dalkiisa u dhaliyey goolal ka badan (56) ciyaaryahan kasta, wuxuuna soo ururiyey dhowr abaal-marin oo waaweyn intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed oo uu u qaaday meelo ay ka mid yihiin Barcelona, Inter iyo Chelsea.
Be the first to comment