Home Warar Ciyaaraha Maanta Dacwada loo heysto Man City Dhageysigeeda oo bilaabanaysa

Dacwada loo heysto Man City Dhageysigeeda oo bilaabanaysa

0

Dacwada loo heysto Man City Dhageysigeeda ayaa bilaabmaya.

Manchester City ayaa laga yaabaa inay ogaato natiijada kiiskooda xadgudubka xeerarka dhaqaalaha ee Premier League horaanta Janaayo.

Kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ayaa iska difaaceysa 115 eedeymo kala duwan oo ah in ay jabiyeen sharciga maaliyadda, iyadoo ay soo baxday xalay in dhageysiga 10-ka isbuuc uu bilaabanayo bisha soo socota.

City ayaa lagu eedeeyay dhaqaale xumo sagaal sano ah laga soo bilaabo 2009, ciqaabta ugu adagna waa haddii lagu helo inay dib ugu laabato heerka labaad.

Dhibcaha laga jarayo iyo ganaaxyada sidoo kale waa wax suurtagal ah.

Horyaalka ayaa ku eedeeyay City inay ku guuldareysatay inay bixiso xog dhaqaale oo sax ah iyo inay ku guuldareysatay inay bixiso faahfaahin sax ah oo ku saabsan lacagaha ciyaartoyda iyo maamulaha.

Baadhitaan la sameeyay ayaa sanadkii 2018-kii , City ayaana lagu eedeeyay in ay lacago ka soo xaday milkiilayaasha kooxda iyada oo loo marayo kafaalo-qaadayaasha Imaaraadka Carabta.

City ayaa difaaceeda horyaalka ku bilaaban doonta axada Chelsea, ka dib markii ay ku guuleysteen afar koob oo isku xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here