Dadka ku nool dalka UK oo Dulqaadkii ka dhamaaday kana Xun Erling Haaland ka samaynayo halkaas.

Dadka ku nool dalka UK ayaa u muuqda kuwo durba uu ka dhammaaday samirkii iyagoo khaati ka taagan waxa uu weeraryahanka cusub ee Manchester City ee Erling Haaland ka samaynayo halkaas.

Haaland ayaa xagaagii kusoo biiray Sky Blues isaga oo kaga yimid dhinaca Borussia Dortmund kaddib markii ay kooxda Premier League difaacanaysaa bixisay 51-kii Milyan ee pound ee heshiiskiisa lagu jabin karayay.

Haaland ayaa wacdarro ku dhigaya City tan iyo wakhtigaas isaga oo 12 kulan oo uu tartamada oo dhan uga soo ciyaaray 18 gool durba kusoo dhaliyay.

Sidoo kale Haaland ayaa 22 kulan oo uu guud ahaan waayihiisa ciyaareed ee bilawga ah Champions League kasoo ciyaaray 27 gool kusoo dhaliyay.

Haatan talaabada xiisaha leh ee ay qaadeen dadka ree UK ayaa ah inay si kaftan ah u sameeyeen cod ururin lagu doonayo in Haaland laga tarxiilo dalka sababtoo ah inuusan bini-aadam ahan oo “Robot” yahay.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in isla xalayba ay 1.8 Milyan qof in ka badani ay saxeexeen cod ururintaas oo lagu dul qoray “Baarlamaanka ayaa mooshinkan lagaga doodi doonaa!!”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*